Maxkamadda Dalka Kenya oo go’aamisay in Xabsi kusi jiraan Rag katirsan alshabaab

Maxkamadda Dalka Kenya oo go’aamisay in Xabsi kusi jiraan Rag katirsan alshabaab

Maxkamadda Madaalada Milimani ee Dalka Kenya ayaa amartay in ay xabsiga ku sii jiraan 5 xubnood oo loo heysto in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al-shabaab.

Raggan Shanta ah ee shalay oo jimco ahayd Maxkamadda la soo taagay ayaa waxaa lagu eedeeyay in Bishii la soo dhaafay ay weerar ku qaadeen Xabsiga Magaalada Marsabit, si uu halkaas uga baxsado Sheekh ay dowladda Kenya ku eedeysay xagjireynta dhallinyarada.

Taliyaha Ciidanka la dagaallanka Argagixisada Kenya Martha Mutuku,ayaa sheegay in maxkamadda ay u oggolaatay markii hore in ay muddo 30 maalmood ah xabsiga ku hayaan,haddana waqti kale loogu daray.

Shanta qof ee dhallinyarada ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mr Abdimajit Adan, Mr Mohammed Nane, Mr John Maina, Mr Anthony Kitila alias Rasta iyo Ms Lydia Nyawira.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com