Maxkamadda Ciidamada oo Xukuno ku dhawaqday

HomeWararka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukuno ku dhawaqday

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa dil toogasho ku xukuntay labo ka mid ah Ilaalada Hotelka Maa’ida, kuwaasoo loo heystay dilka

OGEYSIIS Fursad Maalgashi Dekadda Garacad | Maalgasho Dekadda Garacad oo Markabku yaanu kaa Tagin
Dagaal u dhexeya ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland oo ka socda degmada Beled-xaawo
Gudoomiye Aaden Madoobe: “Xildhibaanada maqan kal-fadhiga soo socda waa lala xisaabtamayaa”.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa dil toogasho ku xukuntay labo ka mid ah Ilaalada Hotelka Maa’ida, kuwaasoo loo heystay dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka Maxaadeey Suleymaan, kaasoo 19-kii bishii October ee sanadkii hore lagu dilay afaafka hore ee Hotelka.

Dhageysiga Maxkamadda afar ka mid ah Ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasahablood 2 ayaa labo jeer qabsoontay, iyadoo la keenay caddeymo kala duwan oo ku aadaneyd baaritaankii dilka oo ay ka qeyb galeen Qeybta Sheybaarka Booliska iyo marqaatiyaal.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta ayaa muujisay in askariga joogay birta hore ee Hotelka laga galo uu rasaasta ku furay Taliye Maxaadeey, waxaa laga caddeeyay fadhiga Maxkamadda in taliyaha uu qaatay amarka barta laga ilaaliyo Hotelka, kana degay gaarigiisa, dibna uga celiyay, laakiin ay rasaas huwiyeen askariga joogay birta Hotelka laga ilalaiyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa akhriyay go’aanka Maxkamadda, isagoo ku dhawaaqay in eedeysanayaasha kala ah Dable Xoogga Xasan Shuute Cusmaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim lagu xukumay dil toogasho ah.

Sidoo kale waxaa Maxkamadda ay min shan sano xabsi ciidan ku xukuntay Salaad Xeyle Macalin iyo Mukhtaar C/llaahi Muuse.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: