Maxkamadda Ciidamada oo dhageysaneysa kiiska Ajaanib loo heysto Shabaabnimo

Maxkamadda Ciidamada oo dhageysaneysa kiiska Ajaanib loo heysto Shabaabnimo

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliy ayaa maanta dhageysan doonta labo eedeysane oo ajnabi ah kuwaas oo loo heysto kamid ahaanshaha Ururka Al-Shabaab.

Labada eedeysane ayaa u kala dhashay dalalka Malaysia iyo Britain.

Labadan eedaysane ayaa loo haystaa inay dalka ku soo galeen sifo sharci darro iyo inay ka barbar dagaaalameen Al-Shabaab, waxaana loo haystaa in mudadii ay Soomaaliya joogeen inay gaysteen tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed iyo inay qayb ka noqdeen weeraro ka dhacay dalka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa horay ay xukuno kala duwan ugu riday dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo lagu helay inay la Shaqeeynayeen Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com