Maxkamada sare oo go’aan ku taageertay Cumar Faaruuq inuu yahay Xog’hayaha saxda ah ee NUSOJ

Muqdisho, 08, Feb, 2016 – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan ka gaartay muran muddo dheer soo taagnaa oo ku saabsanaa cidda masuulka ka ah Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Soomaaliya oo la isku heystay.
 
Kadib dacwad ay qaadday maxkamaddu oo u dhaxaysay NUSOJ iyo Wasaaradda warfaafinta waxay go’aan ku gaartay in Xoghayaha Guud ee NUSOJ inuu yahay Cumar Faaruuq Cismaan Isla markaana go’aanka 2011 lagu sheegay in xilka looga qaaday aanu waxba ka jirin.
 
Waxaa kale oo maxkamaddu go’aamisay in aanay waxba ka jirin oo si sharci ah aan loo dooran Maxamed Ibraahim Isaaq (Pakistan) iyo Burhaan Axmed Daahir oo sannadii 2011-kii lagu doortay shirwayne ay taageeraysay dowladii KMG ah ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
 
Dhinaca kale – Xog’hayaha ururka NUSOJ Bikistan ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku qaadacay go’aanka Maxkamada Sare, waxaana uu ku tilmaamay mid baal-marsan Dasuurka Dalka.
 
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir,

Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *