Maxkamada ciidanka qalabka-sida ee Puntland oo qaaday dacwado lagu soo oogay askar ka tirsan ciidanka PIS & ilaalada madaxtooyada.

Garowe, Feb 08 – Maxkamada darajada 1-aad ee ciidanka qalabka-sida ee Puntland ayaa dhegaysatay dacwadaha 3 askari oo ka mid ah ciidanka sirdoonka Puntland ee PIS-ta, iyo 3 ka mid ah ilaalada madaxtooyada Puntland oo lagu soo oogay dambiyo la xiriira sakhraanimo, isticmaalka iyo haysashada maandooriyaha khamriga.

3-da eedaysane ee ka tirsan ciidanka PIS-ta ayaa xeer ilaaliyaha maxkamadu sheegay in xilliga la qabtay ay wateen gaari Mark II ah, ay sakhraansanaayeen, ayna haysteen khamri dhan 48 dhalo, 8 caag oo muggoodu yahay min 5 litir oo buuxa, iyo 8 caag oo yar yar.

Dhegaysiga dacwadaha kadaib, lana cadeeyey dambiyada lagu soo oogay eedaysanayaasha, ayaa maxkamadau ku xukuntay min sannad (1) xarig ah, iyo ganaax lacageed oo kun (1,000 usd) ah.

Maxkamada ayaa siidaysay gaarigii ay wateen, kadib markii ay cadaatay in gaariga oo uu lahaa muwaadhin ay si khiyaana ah uga kaxaysteen.

In la daadiyo khamriga, laguna gubo meel fagaare ah ayaa ay maxkamadu xukuntay.

Maxkamada ayaa sidoo kale dhegaysatay dacwado saddex (3) ka mid ahaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland, Garowe oo la qabtay iyaga oo sakhraansan, sitana khamri.

Min 6 bilood oo xarig ah, iyo saddex boqol (300 usd) oo ganaax ah ayaa midkiiba lagu xukumay.

Maxkamada ayaa dhamaadkii sheegtay in dambiilayaashu ay xaq u leeyihiin in ay racfaan ka qaataan xukunka maxkamada muddo 30 cisho gudaheed ah.

Dambiilayaasha ayaa la qabtay 3 bilood ka hor, dacwadooduna ay socotay 2-dii bilood ee la soo dhaafay.

Cabdi X. Awoowe,
Daljir, Garowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com