Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday tiradii ugu badnayd oo ka tirsanayd Al-shabaab

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku riday tiradii ugu badnayd oo ka tirsanayd  Al-shabaab

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal uux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen kooxda argagixisada ee Alshabaab.

Maxkamadda ayaa xabsi da’in ah ku xukuntay Axmed Cabduqaadir Axmed ,halka shan ruux oo kala ah 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye,iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi gaaraya min 8-sano ku xukuntay 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow , iyo -Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar

Maxkamadda Ciidamada Xoogga ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com