Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaaliya oo Maanta xukun riday (Sawiro)

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaaliya oo Maanta xukun riday (Sawiro)

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun waxaa ay ku riday Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana hubka u kala gudbin jiray.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary sanadkan kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka ay geystaan Al-Shabaab.
Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore, Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

Ilaa seddax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu ugu kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Al-Shabaab, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd markii seddaxaad ay suura gashay in ay qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday Boorsooyinka Xarragada.

Laba Bistoolad, Seddax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer).

Bishii Afaraad dabayaaqadeedii ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay.

Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay.

Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Al-Shabaab dilalka gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Christin 3 years ago

    Demnach sind die Kosten fürs Eventmanagement hinsichtlich
    der Business-Veranstaltungen für die Kunden in die Bemessungsgrundlage des § 37b Abs.

    1 Satz 2 EStG einzubeziehen. Das FA unterwarf die Agenturleistungen hinsichtlich
    der Kunden nach § 37b Abs. 1 EStG dem Pauschsteuersatz von 30%.
    Für die Arbeitnehmer berechnete es per Streitjahr einen Nettosteuersatz und unterwarf die anteiligen Agenturkosten als Arbeitslohn der LSt.
    Die Auffassung des BFH, nach der die Aufwendungen für einen Eventmanager grundsätzlich nicht zum steuerpflichtigen Arbeitslohn gehören (BFH v.

    Zwar mögen die Eventmanager für eine professionelle Ausrichtung der Veranstaltungen gesorgt haben. Mett & Gloria konzipieren Ihnen die besten Events der Hauptstadt, wenn sie nach ehrlichen Veranstaltungen mit Wumms suchen! Oder Sie sind eine Firma
    und zu finden versuchen einer kreativen Agentur,
    die Ihnen einen perfekten Product-Launch oder die Produktpräsentation – natürlich in der Szenestadt Berlin – organisiert?
    Suchen Sie Eventagenturen, die sich aufs Thema Hochzeitsfeiern zu seinem Hobby erkoren haben. Wir als Eventagentur haben das passende Equipment dafür.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com