Maxkamadda Faransa oo Baaraysa Siyaasi Marine Le Pen

Maxkamadda Faransa oo Baaraysa Siyaasi Marine Le Pen

Haweeneyda hogaamisa xisbiga midig fog ee National Front ee dalka Faransiiska, Marine Le Pen ayaa waxaa ku socda baaritaan ah in ay lunsatay lacag uu siiyay baarlamaanka Yurub.

Le Pen ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada waxa ay diiday in ay ka jawaabto su’aalo ku aaddan eedeymaha ah in ay ku tagri fashay maalka umadda.

Haweeneydan ayaa gaartay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore, ka dib markii musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Francois Fillon uu saaxadda kaga baxay eedeymo ah inuu xaaskiisa siiyay mushaar aanay xaq u lahayn.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com