Maxkamad ku taala Muqdisho oo xukun ku riday wasiir katirsanaa dowladda

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u fariisatay garmaqalka wasiir kuxigeenkii arrimaha dibadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud, kaasi oo lagu soo oogay dambiyo musuqmaasuq iyo hantida qaranka inuu ku tagri falay.

Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Dhanka kale, qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay eedeysane Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com