Maxkamad ku taal Britain oo xukun ku ridey Muwaadin Soomali ah oo diley xaaskiisa

Maxkamad ku taal Britain oo xukun ku ridey Muwaadin Soomali ah oo diley xaaskiisa

Maxkamad ku taal dalka Ingiriiska ayaa xabsi daa’in ku xukunta Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu diley xaaskiisa.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo ahaa darawal bas ayaa diley xaaskiisa oo la oran jirey Maryan ismaaciil oo ahayd 57 sano jir.

Booliska ayaa tegey guriga Cigaal kadib markii uu ugaga sheekeeyay xaaladiisa nin ay deris ahaayeen,waxana ninka uu wargeliyay in uu Cigaal sheegayo inuu diley xaaskiisa.

Meydka haweeneyda u dhaxday CIgaal ayaa laga soo dhex helay gurigeeda maalin kadib markii uu diley bishii April 2020.

Cigaal ayaa sheegay in xaaskiisa ay soo weerartay iyadoo ku andacooneysa inuu qabo Covid 19 uuna ka guuro guriga.

Hase yeeshee Cigaal waxa uu maxkamada u sheegay inuu is difaacayay oo uusan si ulakac ah u dilin xaaskiisa.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com