Site icon Radio Daljir

Maxciso oo Qabatay Hogaamiye ka Ganacsan jiray Daroogada

Sabti, Janaayo 09, 2016 (Daljir) —Joaquin Gusman (El Chapo), oo ah ninka ugu weyn ee ka ganacsada darooga dalka Mexico ayaa waxaa gacanta kudhigay ciidamada ammaanka dalkaasi oo kaashanaya kuwa badda oo lasheegay inay baadi goobayeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Madaxweyneha dalka Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey qabashada Gusman, wuxuuna shegeay inay tahay guul weyn oo ay gaareen ciidamada ammaanka iyo kuwa ladagaalanka daroogada ee dowladda Mexico, waxaana howlgalka lagu diley 5 ruux halka 6 kalena lagu xiray.

 

Daljir.com

Exit mobile version