Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Dareenada Reer Awdal Ee Xill Kordhinta Rayaale?

Boorame, Sept 28 – Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Dareenada Reer Awdal Ee Xill Kordhinta Rayaale Iyo Dareenada Kale Ee Somaliland, Yayse Dan U Yihiin Lixda Qodob Ee Dajiyey Siyaasadda?

Reer Somaliland ayaa badi la dhacsan heshiiska laga gaadhay dhinaca siyaasadda ee meesha ka saaray in cadowgeedu ku wiirsado, darifyada isku hayey siyaasadda Somalilandna mid kastaaba heshiiskaasi u fasirtay si ka duwan kan kale.

Qodobadan lagu heshiiyey oo sida la sheegay ay soo bandhigeen dalal iyo hay’ado lagu sheegay saaxiiabda Somaliland ayaa sidoo kale waxay meesha ka saareen tobanaan ama boqollaal ergooyin ah, kana kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, kuwaas oo dedaalkoodii meel cidlo ah ku dhacay, lagana yaabo inaanay hadda kadib dhexgelin siyaasiyiinta.

Haddaba markaad eegto dareenda kale duwan ee ay qabaan siyaasiyiinta shacbiga isku dulhaysta, mucaarad iyo muxaafidba ayaa mid kastaaba dhiniciisa sheegayaa in qodobadan yihiin kuwa u hiiliyey ama uu kaga guulaystay dhinaca kale.

Sidoo kale ayaa gobolada Somaliland ee ku kala badan taageerada mucaaradka iyo muxaafikuba mid kastaaba ku faanayaa inuu guul ka gaadhay jihada siyaasadeed ee ay u socdeen.

Haddaba markaad eegto gobolka Awdal oo ay xoog ku leeyihiin taageertayaasha Madaxweyne Rayaale ayaa weli jira damaashaad ay u damaashaadayaan sida madaxweyne Rayaale mar kale loo siiyey fursad bilaa xad ah oo uu dalkan kusii haysto, isagoo dhinaca iskaga riixay hanjabaadihii, banaanbaxyadii iyo xasiloonidaradii berayahanba ku ag wareegaysya madaxtooyada. Weli waxay badi reer Boorama TVga qaranka kala socdaan warbixinaha, dacaayadaha iyo eedeymaha loosoo jeedinayo xisbiyada mucaaradka ah iyo inta raacsanba. Waxay weli taageerayaasha xukumaddu isku qancinayaan in Rayaale loo kordhiyey muddo ka badan sanad ama laba sanadoodba, isla markaana aanay doorashooyin qabsoomi karin.

Guusha loo tirinayo xukuumadda Rayaale ayaa badi waxay ku salaynayaan ballanqaadyadii mucaaradka oo beenoobay 27-kii September oo shalay ahayd, sababtoo ahbay leeyihiin la isku hayn doorasho, komishan iyo wax kale toona, balse waxa la iskua hayey Rayaale maalintaasi wuu fadhi doonaa iyo fadhiyi maayo.

Ragga aadka ugu guuxay go’aankan ee kasoo jeeda dhinaca xukuumadda ayaa waxa ka mid ahaa Daahir Maxmuud oo yidhi “Mar haddii ay beenowday beentii mucaaradku, Rayaalena loo kordhiyey wakhti bilaa xad ah ma doorashaaba la hadalhayaa” mid kale ayaa yidhi “inta Siillaanyo iyo Faysal Cali Waraabe joogaan Rayaale uu oogayaa, waayo cid bedeshaba lama hayo” mid kale oo magaciisa ku sheegay Xuseen C/laahi ayaa isna yidhi “Waxa qodobada heshiiskani waxa keenay dawladda Itoobiya, meesha ma argagixisaa loo banaynayaa”. Gabadh kale ayaa tidhi “Rayaale wuu joogayaa, mana muuqato cid kale oo ka beddesha, Axsaabtu maxay doonayaanba lama garanayo”.

dareenadaa iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda ayaa iyaguna kasoo burqanaya qaybaha kala duwan ee Somaliland Nin saaxiibkay ah oo Burco jooga oo aan khadka teleefanka kala xidhiidhay ayaan wax ka weydiiyey sida uu u arko qodobada heshiiskan, isagoo yidhi ?Dawladda uunbaa kolba heshiis ka baxaysay laakiin heshiikan maantu maaha mid cid kastaa siday doonto ka yeelayso. Daahir Rayaaalle waxa badanbuu ummadda been u sheegay, balse maanta beentiisii way dhamaatay, Yurub iyo maraykanbaa eeganaya go’aanadan ciddi fulin weyda”, Siyaasi jooga Hargeysa aya isna igu yidhi dadku way ka quusteen beentii Rayaale, shacbiguna maanta way tuseen itaalkiisa sidaa ayaana keentgay inuu aqbalo go’aamada dunida inooga yimi, dacaayadaha laga wado TV ga qarankuna waa been lagu jaahawareerinayo ummadda oo sheegaya in Rayaale weligii joogayo, waxaad arki doontaa saddex bilood inaysan reer Somaliland iyo Rayaalel isla dhaafayn”, nin kale oo magaciisa la yidhaahdo Cali Qawdhan ayaa isna yidhi reer Boorama waxaan leeyahay Rayaale yaan isku keen dirin, dembina idin gelinin, godobna idiinsoo jiidin. waar imisa jeerbaa la ixtiraamay, imisa jeerbaa Isaaq isku qabsaday wuu joogi iyo joogi maayo, maanta waxa arrintaasi gacanta ku haysta shicibka oo qoloqolo iyo xisbi-xisbi lahayn, haddii uu taa maanta fulin waayana isagaa cirka roob ku og” Nin kale oo aan teleefanka kula xidhiidhay, balse diiday in la magacaabo ayaa yidhi ?Walaalayaal reer Booramow waxa dad idiinku xiga Sacad muuse oo Hargeysa kusoo dhaweeyey madaxweyneheena, maantana waxa tidhaahdaan Somaliland doonimayno haddii Rayaale lala hadlo, waar tolkayow daw maaha inaad Rayale gardaro ku taageertaan u sheega runta. anagu ma qabno dembiga Rayaale galo in la idiin qabsado, dad walaalo ah ayaan nahay, heshiisbaan gallay, sharcibaan samaysanay waxaan isku haynaa waar Rayaalow dastuurka ha jebin iyo waan jebin. waar Ilaahay ka baq oo runta noo kala sheega”.

inkastoo aan waayey gabadh ama haween reer Hargeysa ah oo aan wax ka weydiiyo arrimahaasi, waxaanse la kulmay haweenay reer Ceerigaabo ah, kana mid ah xaasaska shaqaalaha dawladda, kana gaabsatay in lasheego magaceeda ayaa iyadu tidhi ?Waxaan horta la isku hayaayi waxa weeyi Rayaalow wakhtigii laguu doortay dalkan inaad xukuntaayi wuu dhamaaday laba jeer iyo saddex jeerna waa laguu kordhiyey, maantana maahayn inaad ku muranto waan sii haysnayaa dadkani ilkeliya ayey leeyihiin, ishaasina waa adigoo si sharf leh meesha kaga taga oo doorasho qabta”. Siyaasi kale oo reer Hargeysa yaa yidhi ?Maanta waxa naloo sheegay in muddo kordhintga Rayaale aanay ka badanayn laba ama sadddx bilood, dadkana beenbaa loo sheegayaa la leeyahay Rayaalaa joogi doona sanado, waxba kama jiraan degdegbaa loo arki doonaa qodobada heshiiskan oo ay mucaaradku aqbaleen. mucaarad laga adkaadayna ma jiro ee iyagaa ka adkaaday xukuumadda, waxa la eryi doonaa komishanka haatan, waxaana doorashooyinka lagu geli doonaa diiwaangelin la saxay”.

Si kastaba ha ahaatee waxaan cidina dafiri karin in Rayaale aanu aqbaleen go’aankaasi haddii aanay labada xisbi Mucaarad tusin cududdooda shacbi, lamana soo mariyeen Daahir Rayaale inuu soo hadalqaado heshiis dhex ah haddii aanay dalalka caalamku ku cadaadin shuruudahan lixda ah, waxayse dood kale iman doontaa marka Interpeace bilaa shuruud ku timaaddoo dalka, dawladdii eridayna ka hadli weydo, marka Serverka la saxo ee tiraooyinkii hore lasoo celiyo. Marka la yidhaa Jaamac Sweden iyo kabaweyne ha dhaafaan xarunta komishanka iyo marka qodobada qaaarkood oo aan weli shacbiga loo sheegin nuxurkooda la dhaqdhaqaajiyo. inta ka horaysa-se waxa hubaal ah inay sii socon doonaan damaashaadka loo samanyo xukuumadda Rayaale iyo xil kordhinta ka badbaadisay baaqyadii ahaa “Rayaaloo meesha soo dhaaf”. lixdan qodob ee loosoo jeediyey Somaliland loosoo jeedyeyna waxay wakhi kooban dan u ahaan doona xukuumadda, balse lama oga inay sida lagu talo gallay guul u ahaan doonaan xisbiyada mucaaradka iyo shacbiga jecel in la helo isbeddel siyaasadeed.

Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh
Il – haatuf.net

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com