Maxay ku heshiiyeen madaxweyne Farmaajo iyo madaxdii hore? (Akhriso)

Maxay ku heshiiyeen madaxweyne Farmaajo iyo madaxdii hore? (Akhriso)

Kunakii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxdii hore ee dalka ayaa waxaa lagu heshiiyay ilaa iyo lix qodob.

1- Doorashooyinka;

Kulanka ayaa la isku raacay in doorashooyinka ay ku dhacaan xilligoodii ayna dowlada iyo dhinacyada kale ee siyaasada dalkana ka qeybqaataan,kulamo kalana laga yeesho sidii waqtigoodii ay ugu dhici lahaayeen doorashooyinka.

2 –Khilaafka Dowlad Goboleedyada;

Waxa laga wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada Federalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo aan la carabaabin,waxana la isku afgartay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka jira dowlada iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhowrista Dastuurka dalka;
Waxaa laga wadahadlay arrimaha dastuurka iyadoo la isku raacay in la ilaaliyo dowlad,siyaasiyiin iyo shacab dastuurka dalka.

4- Qeybaha Ammaanka Dalka iyo Siyaasadda.

Waxaa laga wadahadlay arrimaha amniga iyadoo labada dhinacba ay isla oggolaadeen in aan la siyaasadeyn amniga dalka. Hay’adaha amnigana aysan siyaasada ku milmin oo ay ciidamada iyo hayadaha amnigana ka madax banaanaadaan siyaasada dalka.

5- Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir.

Ajandayaasha shirka waxaa kamid ahaa arrimaha gobolka banaadir,waxaana laga wadahadlay sidii dadka degen gobolka ay u heli lahaayeen xuquuqdooda metelaada siyaasada dalka madaxweynuhu inuu raali ka yahay ayuu sheegay.

6- La Dagaalanka Al-Shabaab

Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga dalka.

Ugu dambeyntii waxaa laga sheegay shirka jaraa’id in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay xayiraadii loogu geystey Madaxweynayaashii hore ee dalka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com