Maxay kawada hadleen madaxweyne Xasan sheekh iyo Madaxweynaha Jabuuti?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle guulaha ay ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, xasillinta dalka iyo adkeynta dowladnimada ayaa uga mahad celiyay nafhurnimada iyo garab istaagga walaalnimo ee ay dowladda Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilliga adag ee uu socda howgalka dib u xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geello oo bogaadiyay natiijooyinka wanaagsan ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa xusay in dowladda Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si looga adkaato kooxaha caqabada ku ah nabadda iyo horumarka gobolka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com