Maxay kawada hadleen Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed

Maxay kawada hadleen Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta qado sharaf gurigiisa ugu sameeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed e Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlawe).

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo siduu uu ku qabsoomi lahaa shirweynaha wadatashga doorashooyinka ee Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynayaasha Saddexda dowlad Goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay kulamo muqdisho kula lahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland si ay ugu qanciyaan ka qeyb galka shirka Teendhada Afisiyooni balse ku guuldareystey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com