Maxay ka wada hadleyn Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Imaaraadka Carabta

Maxay ka wada hadleyn Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan soo dhoweyn iyo isbarasho la yeeshay danjiraha cusub ee Dowladda Imaaraadka Carabta Amb. Axmad Jumca Alrumayth.

Danjire Axmed Alrumayth ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi u sheegay in Dowladda Imaaraatka Carabtu ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay adkeeyaan xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay dadaalka iyo garab istaagga Dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab istaagtay Soomaaliya, ayaa dhinaca kale danjiraha kula dardaarmay ka shaqaynta iyo adkeynta xiriirkii soo jireenka ah ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

13-kii November ee Sanadkaan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u fadhin doona Soomaaliya Axmed Jumca Al-rumeysi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com