Site icon Radio Daljir

Maxay ka wada hadleen Wakiilada Beesha Caalamka C6+, iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed?

Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho xalay waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka C6+, iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu fashil ku dhamaaday shir ay yeesheen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Saddexda ah ee taageersan dowladda inay eedda saareen Jubbaland iyo Puntland, waxaana ay codsadeen in la fasaxo oo dib deegaanadooda ugu laabtaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wakiilada Beesha Caalamka ka diideen dalabka saddexda Maamul Goboleed, iyaga oo u sheegay in qofkii shirka ka baxa loo aqoonsan doono in uu yahay qaswade.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa weli ka quusan dadaalkooda ku aadan sidii madaxda Soomaalida la isugu keeni lahaa, waxaana la filayaa in Maanta la kulman Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

Exit mobile version