Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Donald Yamamoto? (Akhriso)

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Donald Yamamoto? (Akhriso)

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka, iyagoo uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo horumarka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Amb. Yamamoto iyo Kooxda Mareykanka ee Somaliya waxay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha, waxay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya, dhanka nabadgelyada, xasilloonida iyo barwaaqada, wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka waa furaha dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub oo xooggan”

Amb. Yamamoto ayaa wuxuu sii adkeeyay in hoos-dhigida Al-Shabaab iyo dadaalada xasillinoonida Soomaalida, ay tahay mudnaanta koowaad ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, dadaalada dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka iyo difaaca.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid abuureysa jawi cusub oo wada shaqeyn ah oo dhex mara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo ay socdaan dadaalo lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya Puntland, Jubbaland oo dhinac ah iyo dowladda Federaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

     IIDHEH MARAYKAN KA SOO QAAD.
    USA & UK WAA CADOWGA KOOWAAD EE UMADDA SOMALIYED….
    ALSHABAB+CIA+MI6+UNSOM+AMISOM=ONE.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICES.
    WAXAANSE KULANKA U FAHMAY IN LAGA WADA HADLAY DILKII XALANE LAGU DHEX DILEY ELMAS ELMEN OO AY DILEEN SIRDOONADA CAALAMIGA AH & KUWA KUSUGAN XALANE EE MARAYKAN KA KOOWDA YAHAY.
    D.TRUMP SAY:WIPE SOMALIA ON THE MAP.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com