Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xaaf iyo Nicolas Haysom ?

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xaaf iyo Nicolas Haysom ?

Magaaladda Gaalkacyo  ee Xarunta gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaaliya  Nicolas Haysom   ,wuxuuna kulan la qaatay  Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir .

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xal ka gaarista khilaafka u dhexeeya madaxda mamaul goboleedyada iyo dowladda Fadaraalka Soomalaiya .

Wakiilka ayaa sheegay in  madaxweyne Xaaf uu kala hadlay  khilaafka dhexdoda ka taagan ee siyaasadeed , kaas oo maamulka Galmudug u kala qaybiyay laba garab.

Axmed Ducaale Geele Xaaf  oo dhankiisa Warbaahinta lahadlay  ayaa sheegay in walkiiilka ay kala hadleen in dowladda Soomaaliya ay  ka dayso faragalinta ay ku hayso maamulka Galmudug .

Nicolas Haysom iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa horay waxa ay ula soo kulmeen madaxweyne yaasha maamulada Puntland iyo Soomaaliland .

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay intii uu kulanka socday .

Sawiro.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com