Maxay ka wada daleen Ra’iisul Wasaaraha kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar ?

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay oo Mas’uul sare oo ka socda Qatar ku yimaado Soomaaliya, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo la rumeysan yahay in taageero weyn ku laheyd Qatar.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar ayaa la xiriira iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Kulanka labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan, sida taageerada Qatar, iskaashiga labada dal iyo mashaariicda horumarineed.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka la xiray sababo ku aadan imaanshaha wafdiga heerka sare ee ka socda dalka Qatar.

Qatar ayaa horay u balan-qaaday mashaariic dhowr ah oo dib u dhis, sida waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgoye- Muqdisho iyo Jowhar, kuwaasoo weli aanay hirgelin.

Booqashada Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar ku yimid Soomaaliya ayaa sii xoojineysa saameynta Qatar ku leedahay Soomaaliya, oo xilligan u muuqata mid ay kaga gacan sareyso dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo aan xiriir aad u wanaagsan kala dhaxeyn Soomaaliya, wixii ka dambeeyay khilaafkii dalalka Khaliijka ee sanadkii 2017.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in mowqif dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ee sababay in Isbaheysiga ay hoggaaminayaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay xiriirka u jaraan dalka yar ee Qatar, hase ahaatee waxaa dowladda Soomaaliya lagu dhaliilay inay dhanka Qatar u janjeerto, isla markaana taageero weyn ka hesho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com