Maxamuud Cartan ” Hadii la igu helo musuqmaasuq waxaan diyaaru ahay inaan xabsi u galo”

Maxamuud Cartan ” Hadii la igu helo musuqmaasuq waxaan diyaaru ahay inaan xabsi u galo”

Maxamuud Siciid Cartan (Balcad) oo ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland,  uu shaqada ka eryay madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas isagoo ku eedeeyey inay galeen musuqmaasuq ayaa ku tilmaamay eedaynta madaxwaynaha Puntland mid suncad xummo ah, islamar ahaanataana aan wadan wax cadayn ah.

Waraysi uu siiyay radio Daljir Maxamuud Siciid Cartan oo ahaa agaasimaha waaxda kalluumaysiga iyo diiwaan galinta ayaa waxaa uu sheegay eedaynta musuqmaasuqa inay tahay aeein u baahan cadayn, isagana uu diyaar u yahay inuu xabsi u galo haddii lagu heo, lana keeno cadaymo kusaabsan.

Waxaa uu sheegay inay tahay wax caadi ah in xilka la iska qaado, balse aanay haboonayn qofka muwaadinka ah in magaciisa iyo sharaftiisa lagu xad gudbo.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu shalay soo saaray waxaa uu shaqada uu uga eryay wasiir kuxigeenkii wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland, agaasimihii waaxda maamulka, agaasimihii waaxda kalluumaysiga iyo diiwaanka kalluumaysatada iyo saraakiil kalle,kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay musuqmaasuq galeen, balse dad badan ayaa iswaydiinaya sababta musuqa oo ah dambi, si’aad ahna u naafeeyey hormarka bulshada kaliya loogu koobay xilka qaadis.

Hoos kadhagayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com