Maxaad kala socotaa Madaxweyne Deni & kulamo uu ka waddo Nairobi?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa halkaas ka wada kulamo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu Nairobi kulamo la xiriira Arrimaha doorashada uu kula leeyahay qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Safarka madaxweynaha Puntland ee Nairobi ayaa yimid kadib Shirkii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ku soo xirmay kaas oo laga soo saaray habraaca jadwalka doorashada Aqalka hoose ee Baarlamka dalka.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan goboladiI markii hore ay ka yimaadeen si loo bilaabo doorashada Aqalka Hoose.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com