Maxaad Ka Taqaan Dalalka Dadkoodu Ugu Cimriga Dheer Yihiin Adduunka iyo Da’dooda (Sawirro)

Maxaad Ka Taqaan Dalalka Dadkoodu Ugu Cimriga Dheer Yihiin Adduunka iyo Da’dooda (Sawirro)

Dalka Japan ayaa ka mid ah shanta dal ee caalamka dadkoodu ay ugu cimriga dheer yihiin waxaana jasiirado badan oo ka mid wadanka Japan ku nool dad da’adoodu ay ka weyn tahay 83 sano jir.

Dadka wadanka Japan ayaa waxaa ay jecel yihiin in ay cunaan bataati macaanta iyo kalluunka, Jasiirada Okinawa ayaa waxaa ay ka mid tahay meelaha dadka ku nool ay da’adoodu ka badan tahay siddeetanka sano.

Spain

BARCELONA, CATALUNYA, SPAIN – 2008/10/22: Rental bikes, Barcelona. (Photo by Jeremy Horner/LightRocket via Getty Images)

Cuntada laga cuno wadanka ku yaal badda Mediterraneanta ee Spain ayaa waxaa ka mid ah qudaarta,saliid seytuun iyo qamriga waxaana dadka ku nool wadankaas uu cimrigoodu gaaraa 82.8 sano.

Wadanka Spain ayaa waxaa caan ka ah in dadka ay nastaan oo albaabada loo laabo goobaha ganacsiga saacada marka ay gaarto 2da duhurnimo iyadoo dib loo furo marka ay saacadu soo gaarto 5ta galabnimo.

Magaalooyinka wadanka Spain ayaa badankood ah kuwo dadku ay guryo isku dhow dhow ku nool yihiin waxayna taas sababtay in dadka ay ka doorbidaan inay gaadiid u raacaan suuqyada iyo halka laga soo dukaameysto inay cagahooda maalaan.

Singapore

SINGAPORE – 2016/03/02: Tai chi chuan “Supreme Ultimate Fist” usually shortened to just tai chi, is a Chinese martial art practiced for defense training as well as health benefits for the sake of technique and longevity. Some of t’ai chi ch’uan’ training forms are especially known for being practiced at what most people call slow movement. (Photo by John S Lander/LightRocket via Getty Images)

Wadanka Singapore ayaa horumar dhinaca caafimaadka aasaasiga ah ka gaaray iyadoo lagu tilmaamo in horumarkaas uu yahay mid door weyn ku leh in dadka u dhashay dalkaas uu celceliska da’adooda ay gaarto 83.1.

Dalkan ayaa ah dalka dhimashada carruurta iyo hooyooyinka umul raaca ugu yar caalamka isagoo ku gaaray heerkaas ka shaqeynta daryeelka caafimaadka.

Dhaqanka ah in dadku ay ku noolaadaan magaalooyinka ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dadka wadankan ku nool ay u noolaadaan waqti dheer,sidoo kale waxaa qeyb ka ah jimicsiga sida daraasado la sameeyay lagu ogaaday,waxaadna ku arkeysaa wadooyinka dad da’ ah oo rucleynaya ama jimicsi sameynaya.

Dalka Singapore ayaa waxaa qaali ka ah sigaarka iyo Aalkolada iyadoo dowladu ay saartay canshuur dheeraad ah si dadka isticmaalaya ay u yaraadaan.

Switzerland

WASSEN, GRAUBUENDEN, SWITZERLAND – 2015/08/22: The village with a church is located in a high altitude landscape with mountains, green meadows and trees. (Photo by Frank Bienewald/LightRocket via Getty Images)

Wadanka Switzerland oo ka mid ah dalalka ugu qanisan qaarada Yurub ayaa celceliska dadka ku nool ay gaaraan 81 sano,waxaana loo aaneynayaa daryeelka caafimaadka oo heer sare ah iyo heerka nolosha dadka oo sareysa.

Dalkan ayaa ah qiyaas la sameeyay waxa uu yahay dalka ugu badan caalamka ee laga isticmaalo farmaajada iyo caanaha.

South Korea

BX7WT1 A group of middle aged and elderly Japanese people gathered around a table at a party.

Dalka Koofurta Kuuriya ayaa ah dalka ugu horeeya caalamka ee dadkiisa ay noolaan karaan illaa iyo 90 sano sida lagu shaaciyay cilmi baaris dhowaan la sameeyay.

Wadankan ayaa la sheegay in dhaqaalihiisa uu si xoog leh u kobcayo iyadoo daryeel caafimaad dadkiisana ay helaan waxaana aad ugu yar cudurka dhiig karka marka la barbar dhigo dalalka reer Galbeedka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com