Maxaabiis lagu qabtay dagaal ka dhacay Sool-joogto oo lasoo daayey, dabadeedna soo gaarey Buuhoodle

Buuhoodle, Aug 12 – Waxaana maanta magaalada Buuhoodle soo gaadhey maxaabiis laga soo daayey xabsiyada Burco iyo Hargeysa kuwaasoo hore loogu qabtay dagaaladii ka dhacay nawaaxiga Buuhoodle iyo gobolka Sool, Saleebaan Ciise Axmed ayaa galabta soo gaardiiyey maxaabiistaasi magaalada Buuhoodle kadib markii uu kala soo wareegey maamulka Somaliland.

?
Boqolaal ?kamid ah bulshada ku dhaqan gobolka Cayn ayaa si diiran ugu soo dhoweeeyey Buuhoodle iyagoo kaga hortegey deegaanka Maygaagle oo 35 Km u jira Buuhoodle, ?Saleebaan Ciise Axmed ayaa dadkii soo dhoweynayey kula hadlay deegaanka Maygaagle kuna baaqay in nabada laga shaqeeyo cidii nabadgelyada xumaynaysana meel looga soo wada jeesto sida uu hadalka u dhigay.
Maxaabiisata maanta lasoo daayey ee kusoo gurya noqda Buuhoodle ayaa kusoo beegmaya xili maanta ciidamada Somaliland ay ka baxeen deegaanadii hore loogu dagaalamay ee gobolka Cayn, waxaana arintani noqonaysaa saan saan nabadeed ee ka dhashay gobolka Cayn.
?
Nabada ?kasoo muuqatay gobolka Cayn ayaa timid xili dadku aad nabad ugu baahnaayen maadaama mudo sanado ah dagaal ay kujireen, Imaanshiyaha Nabbadan ayaa loo aanaynayaa arimo dhawr ah, sida ?labada dhinac ee dagaalamay oo midkastaa u muuqdo inuu xiligan ka daaley dagaal sii socda, dadaal iyo dhabar adayg ay muujiyeen dhinacyo iskakaashada keenitaanka Nabbadda, iyo xiliga lagu jiro oo ah wakhti aad u adag aysana suura gal ahayn colaad sii socota.
?
Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo waftiga Buuhoodle ka tegey hogaaminayey ayaa sheegay in isaga iyo waftigiisu asan wadan barnaamij ka baxsan arimaha Nabada, hase ahaatee dad iyagu dhaliilsan Xaglatoosiye iyo talaaabooyinkiisan cusub ayaa ku eedaynaya Xaglatoosiye inuu xil iyo mansab siyaasadeed ka rabo maamulka Somaliland, balse majiro ilaa hada wax arimahaasi cadaynaya oo ka muuqda Xaglatoosiye walow uusan si toos ah u cadayn mawqif kiisa arinkaasi ku aadan, si kastaba ha noqotee la arki doonee sida xaalku ku danbeeyo iyo talaabada midan xigta ee uu qaado Xaglatoosiye.
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"?
?
Khadar Cawl Ismaaciil
Radio Daljir Buuhoodle

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com