Maxaa looga hadlayaa shirka Madasha Badaabado Qaran ee Muqdisho ?

Maxaa looga hadlayaa shirka Madasha Badaabado Qaran ee Muqdisho ?

Wararka naga soo gaaaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid kamid ah Hotelada magaalada uu shir uga socdo Madasha Badaabado Qaran,Xubnaha Midowga Musharixiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Shirka ayaa inta uusocdo waxaa looga hadli doonaa muddo kordhinta ay golaha Shacabka Soomaaliya shalay u ansxixiyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda Ferderaalka Soomaaliya iyo sida laga yeelayo maadaama dhowr jeer ay ka digeen muddo kordhintan.

Shirka ayaa marka uu soo idlaado waxaa lafilayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed looga hadlayo xaalad dalka iyo tallaabada ay qaadan doonaan, kadib Go’aankii Golaha Shacabka.

Madaxweyne yaasha maamulad Puntland iyo Jubbaland ayaa lafilaya iney dib ugu laabtaan deegaanadoodii.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com