Maxaa looga hadlay shirkii maanta ee Golaha Midowga Musharaxiinta ?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay shirkii maanta ee Golaha Midowga Musharaxiinta ?

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho xilli ay soo baxayeen maanta warar sheegaya in Madaxweynihii hore ee dalka Shari

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso | daawo )

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho xilli ay soo baxayeen maanta warar sheegaya in Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sh Axmed uu iska casilayo xilka guddoomiyaha golaha Midowga Musharraxiinta madaxweyne Soomaaliya.

Hase yeeshee shirkan ayaan la shaacin qodobada looga hadlay isla markaana aan laga soo saarin wax war ah.

Si kasta ahaatee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah golaha midowga musharaxiinta ayaa soo dhigey bartiisa Facebook qoraal kooban oo uu ku sheegay in shirkan loogaga hadlay dadajinta arrimaha doorashooyinka.

“Shirkii caadiga ah ee Golaha Midowga Murashaxiinta oo uu shir guddoominayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad ayaa maanta noo qabsoomay.”

“Qoddobo dhowr ah ayaan uga hadalnay oo ay ugu muhiimsanayd sidii loo dedejin lahaa hawlaha doorashooyinka.”ayuu sii raaciyay Musharaxa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: