Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha wasiiradda DFS (Daawo)

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha wasiiradda DFS (Daawo)

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta meel mariyay natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo xeer nidaamiyaha machadka caafimaadka dalka.

Wasiirrada caafimaadka iyo shaqada, ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta natiijadii kasoo baxday hubinta iyo tirakoobka shaqaalaha dowladda iyo xeer nidaamiyaha machadka caafimaadka dalka oo ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta arrimaha bulshada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 2018 iyo 2019 waxa ay laba jeer tikarboob, madax ka tirin iyo diiwaan gelin la socotay ku sameysay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Kulanka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale looga hadlay amniga dalka, tayeynta waxbarashada iyo heerka uu marayo wajiga labaad ee dib-u-habeynta ciidamda qalabka sida ee dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com