Maxaa looga hadlay shirkii Amniga ee Boosaaso?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay shirkii Amniga ee Boosaaso?

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso kaas oo Maanta diirada lagu saa

Warka Fiidnimo iyo Zubayr Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Guddiga hirgalinta doorashooyinka Heer Federaal oo Maamulada Goboleedyada ka dalbaday bilaabida doorashada Golaha Shacabka
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso kaas oo Maanta diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay amniga iyo shaqooyinka ka soconaya saldhigyada Bosaaso, waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo ka waramay shaqooyinka amniga xaafadaha.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada, saraakiisha Booliska Gobalka Bari, ayaa waxaa diirada lagu saaray sare u qaadida amniga guud iyo kan gaar ahaan oo marti galinaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xilibaanada Cusub Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo sida qorshu yahay in Bosaaso lagu qabto doorashadaas.

Gunaanadka shirka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa faray laamaha Amaanka in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Gobalka iyo degaanada ku xeeran.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhamaan Ciidanka Booliska Gobalka Bari uga mahad celiyay kaalinta amniga oo ay marwalba u taagan yihiin ciidamada, waxana uu ku dhiirigaliyay in ay halkaas ka sii wadaan dardar galinta amniga waxana uu faray in marwalba ay ku jiraan heegan Buuxa oo amniga ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: