Maxaa looga hadlay shirka golaha Wasiirada jubbaland maanta?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay shirka golaha Wasiirada jubbaland maanta?

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Musharax Madaxweyne Puntland Xasan Cabdi Yaquub oo Sheegay inuu ka Tanaasulay Musharaxnimadisii
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa kulanka lagaga hadlay xaalada amniga iyadoo Wasaarada amniga ay ka warbixisay xaalada guud ee amniga iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen hay’adaha amniga.

Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixisay dib u habayn lagu sameeyay qaar kamid ah xarumaha Wasaarada iyo dib u habaynta shaqada wasaarada oo soo socotay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Wasaarada qorshayntana waxaa ay warbixin ka keentay mashariic hormarineed oo laga fulinayo qaar kamid ah deegaanada Jubaland kuwaas oo ay kamid yihiin dhismaha biyo xireeno wax badan ka taraya nolosha bulshada gaar ahaan dadka ku nool deegaanada ku teedsan wabiga Jubba.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: