Maxaa lagu xaliyay khilaafkii ka dhex taagnaa Madaxda Somaliland ee Muqdisho?

HomeWararka

Maxaa lagu xaliyay khilaafkii ka dhex taagnaa Madaxda Somaliland ee Muqdisho?

Mad-madowhii maalmihii la soo dhaafay soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ku saabsanaa Arrint

Mala joogaa xiligii Soomaaliya ay AMISOM Amniga dalka kala wareegi lahayd?
Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Mad-madowhii maalmihii la soo dhaafay soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ku saabsanaa Arrinta doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa xal laga haaray, iyadoo la isku afgartay in la dardar geliyo howlaha doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay labadan Mas’uul ee ugu sareeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana la isku afgartay in arrimaha mad-madowga ka dhex jira la dhammeeyo, horayna loo socdo.

Dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku hayay cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Waxaana markii u dambeysay lagu heshiiyay in labada dhinac wadajir u maamulaan doorashada xubnaha labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: