Maxaa lagu heshiiyay kulankii madaxwaynayaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ?+sawiro

Maxaa lagu heshiiyay kulankii madaxwaynayaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ?+sawiro

Kulan ka dhacay jaziiradda Sentosa ee dalka Singapore ayaa hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ku gaareen heshiis taariikhi ah, waxaana uu noqonayaa markii u horaysay ee ay kulan yeeshaan madaxwayanayaal labada dal kasocday.

Kulanka kahor ayaa labada masuul isku salaameen hoteel qaali ah oo ku yaala jaziiradda Sentosa oo kulankooda uu ka socday muddo 40- daqiiqo ah.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga Kim Jong Un ayaa ku tilmaamay kulan taariikhi ah oo horay loo qaaday, lana go’aansaday in laga gudbo waxyaabihii hore u dhacay.

Waxaa uu sheegay inuu caalamku arkay isbadal, isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay heshiiskan taariikhiga ah oo uu la saxiixday madaxwayne Trump.

Madaxwayne Donald Trump oo ka hadlay heshiiska isfahamka ee taariikhiga ah ayaa waxaa uu sheegay inuu aad muhiim uu u yahay iyo wax qurux badan, isagoo intaasi ku daray in labadooda hogaamiye ay sharaf u tahay heshiiskan isfahamka ee ay wada saxiixdeen.

Maxay ku heshiiyeen?

In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleeshaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.

Im Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.

Si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, in K/Waqooyi ay ka shaqeysaa sida gacanka looga dhigi lahaa mid ka caagan niyukliyeer.

Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi inay iska kaashadaan baadigoobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi.

Dowladda Shiinaha ayaa soo dhoweysay kulanka Trump iyo Kim

Shiinaha ayaa sheegay inuu soo dhoweeynayo , uuna taageerayo shir madaxeedka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay wada qaateen.

Kahor kulanka hogaamiyeyaasha ayaa madaxa arrimaha dibadda ee China Wang Yi waxaa uu rajjo ka muujiyay inay labada dal ay heshiis gaaraan, kaasi oo qayb ka ah in kacanka waqooyi ay noqoto goob ka caagan hubka Nuclearka.

“Waqtigan oo kalle waxaa loo baahanyahay nabad iyo deganaan dhammaan gacanka oo idil iyo ammaanka Kuuriyada Waqooyi oo taxadar laga yeesho ayuu yiri Wang.

Inkastoo kulanka uu ahaa mid kaliya labada hogaamiye ay ku wehliyeen tarjumanaadooda ayaa haddana goortii qadada la gaaray, waxaa kusoo biiray xoghayaha madaxwaynaha Mareykanka Sarah Sander iyo gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi  Kim Yo-jong.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com