Maxaa kaso baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland

Maxaa kaso baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda PuntlandDr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha kala ah amniga dalka, xeerka macdanta iyo shidaalka, xeerka sugida amniga garoomada Iyo Warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland oo warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in guud ahaan xaalada amniga ee dalku xasiloon tahay, waxayna golahu ka digeen qaswadayaasha isbiirsaday ee handadaya nafta iyo maalka shacabka aan waxba galabsan.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland oo ku dheeraaday xaalada amniga dalka ayaa sheegay sida ku cad dastuurka dalka inay Dowladdu difaacayso xuduudaha dastuuriga ah isla markaana waxay golahu fareen shacabka inay garab istaagaan laamaha amaanka ee ku howlan sugida amaanka guud.

Ansixin Xeerar

Golaha xukuumada Dowlada Puntland ayaa dood dheer kadib ansixiyey xeerka macdanta iyo Shidaalka iyo xeerka sugida amniga Garoomada oo horey loogu qeybiyey Golaha Xukuumada ayna soo diyaariyeen Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada iyo Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland.

Xeerka Macdanta iyo Shidaalka ayaa qeexaya iswaafajinta maalgashiga iyo shuruucda dalka, ilaalinta deegaanka iyo ka faa`ideysiga kheyraadka dihin, Sidoo kale xeerka sugida amniga garoomada ayaa dhiirigelinaya hagaajinta adeegyada garoomada Puntland, waxayna golaha oo ka duulaya dar dargelinta howlaha shaqo ee dalka meel mariyeen xeerarkaan

Warbixino:

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Dastuurka iyo Arimaha Federaalka oo ka war bixisay geedi socodka arrimaha dastuurka iyo federalismka, Guddiga Gaadiidka Dowladda (GD) iyo Guddiga shilalka gaadiidka iyo khasaaraha ka dhasha oo meel fiican marinaya howlahii loo wakiishay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com