Maxaa Kala Haysta Xukuumadda Khayre iyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Maxaa Kala Haysta Xukuumadda Khayre iyo Isticmaalka Baraha Bulshada

Saameynta Warbaahinta ee Bulshada ayaa lagu tilmaamaa awooda ugu sareysa ee ay adeegsadaan dawladaha caalamka ka jira maanta si ay u helaan taageerada Bulshada ugana hortagaan mucaaradka iyo dhaliilaha dadweynaha.

Xukuumada Khayre waxaa lagu tilmaamaa tan ugu adeegsiga badan Xukuumadihii soo maray dalka warbaahinta, gaar ahaan Baraha Bulshada, ilaa durba loo bixiyo magacyo la xiriira adeegsigaas sida; dawlada Facebook-ga, dawlada Twitter-ka, dawlada igu sawir, dawlada ku dayo iwm.

Adeegsiga warbaahinta awgeed dawlada M. Farmaajo iyo RW Khayre waxey ku guuleysatay arimo ay ku fashilmeyn dawladihii ka horeeyey sida;
1. In ay doorashadii kaga guuleystaan Madaxweynihii iyo Ra’salwasaarihii hore oo heystay awooda iyo dhaqaalaha dalka iyo Musharaxiintii kale ee la tartameysay.
2. In ay helaan taageeradii Bulshada ee ugu badneed dawladihii nasoo maray.
3. In loo arko dawladii ugu wadani-saneed ee soo marta dalka kadib Kacaankii October.
4. In loo arko dawlad ay shacabku leeyihiin oo aan laga laheen dibadda.
5. In Barlamaanka iyo Kutlooyinkiisa mucaaradku ka baqaan la-xisaabtanka iyo Mooshinada Xukuumada, kadib markii ay derbi difaac ka dhigteen Shacabka iyo Saxaafada.
6. In dhammaan Wasiirada Khayre ay khubaro ku yihiin adeegsiga Facebook-ga iyo Twitter-ka, lamana oga in lagu tababaray ama ay horey u yaqaaneen oo shuruud looga dhigay magacaabistooda.
7. In Ingineerka dawlada uu yahay Saxafi ku xeel-dheer adeegsiga Warbaahinta.
8. In ay ku guuleytaan taageerada 90% hay’adaha iyo shirkadaha warbaahinta dalka iyo suxufiyiinta, lana gaarsiiyo in ay hoos u hadasho warbaahinta Mucaaradku.
9. In dawlad-gobaleedyadii ku dhiiran-jiray hanjabaada dawladihii hore ka baqaan taageerada shacabka iyo saxaafada dawladaan.
10. In dawladihii shisheeye ee fara-gelinjiray dalka ka gaabsadaan dawladaan inta ay haysato saxaafada iyo shacabka.

Warbaahinta oo ah seef laba afle ah ayey xakameyn-weyday Xukuumada Khayre gaar ahaan gudaheeda inta aan la gaarin dibadeeda, duduna malaha dareynsi iyo dawaansi, waxaana go’aan adag laga soo saaray Wasiirada iyo Taliyaasha in aysan adeegsan karin Saxaafada iyada oo aan fasax laga qaadan Xafiiska RW, hadii Wasiir loo diiday-na inta ka hooseysa waa weysha gowrac dibi ha quus-qaatee.

Hadaba dawladu ma noolaan kartaa saxaafad la’aan? Shacabku xagey u marinayaan taageerada? Yaa mucaaradka ka difaacaya hadii ay ka aamusaan warbaahinta? Hadii wasiirada laga joojiyo qoraalada baraha bulshada! Maxey taageerayaashu Like-saarayaan, Share-gareynayaan, Comments-saarayaan, Bogaadinayaan? Hadii aysan ilaashan dawladu wixii ay ku liibaantay maxey qorshe kale u heysaa Bulshada oo ay ugu bedelee???

w/Q: Dr. Maxamed Gacal

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • eng abdisalam mohamed ahmed 7 years ago

    waxaa lagu tiri ya saxafada awooda afraad ee xukuumadu leedahay
    1: waa fulinta
    2: sharci dajinta
    3 :garsoorka
    4 : saxafada
    sidaa darteed dowlada faderalku maha in ay iska daysay saxafada ee waxaa la xakameyay wararka xasaasiga ah in ay wasiiradu ama taliyaashu si khaldan u sheegan oo sidii laga rabay aysan wax u sheegin ama madaxdu qudhoodu is khilaafto sidii malintii dhawayd dhacday oo ay kala hadleen wasiirkii warfafinta iyo kii gashandhiga oo mid walba si gooni ah xog usoo gudbiyay arintii laxiriirtay xasuuqi bariire

    Dowladu wixii wanaag ah oo ay qabato baraha bulshada waa u adeegsan lakin wixii la xiriira arin tageerada shacabka wax u dhimaysa lama gudbin karo ilaa ay dowladu ogalaato
    sidaa darteed waa arin muhiim u ah dowlada farmajo dadbaa moodaya in la xakameeyay adeegsiga dowlada ee social media lama xakamayn ee hada buu dardar cusub yeelan dona

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com