Maxaa ka soo baxay kulankii Musharaxiinta Puntland iyo Isimada (dhegayso)

Maxaa ka soo baxay kulankii Musharaxiinta Puntland iyo Isimada (dhegayso)

Magaalada Garoowe waxaa maanta ka dhacay shir ay yeesheen Musharaxiinta utar tamaysa doorashada Puntland ee 2019 iyo Isimada dhaqanka.

Shirka ayaa waxa uu daaranaa walaaca ay ka qabaan musharaxiinta doorashada  iyo faragalinta ay dowladda ku hayso  xubnaha Baarlamaanka cusub iyo ciidamada amniga   ee doorashada loo xilsaaray .

Afhayeenka Mushariinta Puntland Aadan ciise Gadaaale oo markii uu shirka soo dhamaaday  Warbaahinta kulahadlay  magaalada Garoowe  ayaa sheegay in Isimada ay ku heshiiyeen in doorashada ay u dhacdo si xor ah oo xalaal ah .

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili shalay uu madaxweyne Gaas uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax madaxweyne  waxaana maanta sidookale barxada Garoowe loo diday in uu ka qudbeeyo musharax madaxweyne C/samad Galan.

Dhegayso.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • By xabiib 5 years ago

    Waan arin khaldan in musharaxa loo diudo barxada garoowe ma wayday habionayn arrintaasi waayo waxay horseedi karta dhibaato
    Cabdi walina kama xigo garoowe kamana laha

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com