Maxaa ka jira in Ruushka uu Saldhig Ciidan ka furanayo Soomaaliya?.

Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadashay hadal heynta la xiriirta in ay Saldhig Ciidan ka sameysaneyso dhulka Soomaaliya,iyada oo mudooyinkaan dambe warbaahinta Caalamku hadal haysay,wararka la xariira in Ruushku saldhig Malatari ka raadinayo Biyaha Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Mikhail Golovanov,ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu aanay qorsheyneyn in ay saldh Ciidan ka sameysato Soomaaliya.

Danjire Mikhail Golovanov, ayaa sheegay in dowladdiisu ay Ciidamo ka joogaan Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya kuwaas oo kor meera weerarrada Burcad Badeeda iyo wixii la mid ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in Dowladda Ruushka aysan wax qorshe ah hadda ka lahayn saldhig Ciidan oo ay ka sameysato Soomaaliya iyo xitaa guud ahaan geeska Afrika.

Safiirka Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Golovanov, ayaa xusay in Jabuuti iyo Soomaaliya ay ku yaallaan meel muhiim ah islamarkaana amniga Caalamka ay muhiim u tahay.

Geeska Afrika gaar ahaanna Dalka Jabuuti waxaa ku yaalla Saldhigyo Milatari kuwaas oo ay leeyihiin Waddamada Faransiiska, Mareykanka, Japan, China iyo kuwo kale,

Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal heysay in Dowladda Ruushka ay Saldhig Ciidan ka raadineyso Xeebaha Badda cas ee Soomaaliya kuna beegan Gobolka Awdal oo sohdin la wadaaga dalka Jabuuti .

Somaliland ayaa daneynaysa in ay marti-geliso saldhigyo military oo Berbera ku yeeshaan dalalka Ingiriiska iyo Ruushka, si ay u dardar-geliyo halganka ay mudada 28-ka sano ugu jirto in ay aqoonsi caalami ah hesho.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com