Matalaada aqalka sare ee gobolka Banaadir oo laga heshiiyey.

Muqdisho, Aug 07 2016–Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa weli si habsami leh uga socda Muqdisho, iyadoo la rajeynayo in beri si rasmi ah loo soo afjaro.

Ilaa iyo haatan waxaa uu shirku ku tallaabsadey horumar la xiriira dedejinta arrimaha doorashada lagu wado inay sannadkan dalka ka dhacdo, sida meel marinta miisaaniyadda doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee gobolka Banaadir, iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.

Waxaa sidoo kale la isku afgartey in deg-deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyo in si buuxda loo taageero hawlaha guddiga doorashada ee heer federaal oo xil weyn iska saaray sidii doorashadan ay u najixi lahayd.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.

Waxaa la filayaa in gebagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed qeexaya qodobada la isku afgartey.

————————-DHAMMAAD—————————

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com