Masuuliyiinta Safaarada Somaalida ee Suudan oo sheegay inay Jaamacado ka Furayaan Muqdisho

Masuuliyiinta Safaarada Somaalida ee Suudan oo sheegay inay Jaamacado ka Furayaan Muqdisho

Kulan ay ka qayb galen Wasiiro, Xildhibaano labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Xubno ka socd, Safaaradda Sudaan ee Soomaaliya, Arday, Masuuliyiinta qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Sudaan oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa looga hadlay arrintaasi sidii loo meel marin lahaa.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ifriiqiya ee Dalka Suudan oo kamida Jaamacadaha Africa ugu sareeya Dr Kamaal Maxamed Cubeyd ayaa sheegay in ay doonayaan sidii ay Xaruun uga furi lahaayeen Muqdisho si Ardayda Suudan u soo aadaya ay Dalkooda Waxbarasho tayo sare leh ugu helaan.

Wasiiro Dowlaha Madaxtooda Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur oo qabanqaabada kulankaasi lahaa ayaa tilmaamay in aad ugu faraxsanyihiin iskaashigaasi cusub.

Dalka Suudaan ayaa ka mid dalalka Ardayda Soomaaliyeed u aadaan heerarka kala duwan ee waxbarashada wixii ka dambeeyay bur burkii Dowladii dhexe waxaana xusin mudane in qaar ka mid ah Ardayda kasoo baxday Jaamacadaha ay Dalka ka hayaan xilal kala duwan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com