Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarka shalay

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha oo uu wehliyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Banaadir ayaa isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa ku booqday dhawaacyadii dadkii ku wax yeeladu kasoo gaartay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Guddoomiyaasha ayaa mid mid u dul tagay dhaawacyada iyaga oo xaaladooda ka wareystay Allana uga baryay caafimaad taam ah

Shalay ayey aheyd markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qarax ku qaadeen xarunta Maamulka gobolka banaadir ugu dambeyntiina weerarkaas ay ciidamada ammaanku soo afjareen, isla markaana ay toogteen dhammaan raggii weeraray.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com