Masuuliyiin katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya oo iska weeraray baraha bulshada

Masuuliyiin katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya oo iska weeraray baraha bulshada

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow iyo xildhibaan Cabdixakiin Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska weeraray baraha bulshada.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib kolkii guddoomiyaha gobolka Banaadir uu warbaahinta ka sheegay inaan loo baahnayn mucaarad qaswade ah oo argagaxisada garab siiya.

Hadalkaasi oo uu dhibsaday xildhibaan Cabdixakiin Fiqi ayuu bartiisa Facebooka kusoo qoray jawaabtan hoose.

“Guddoomiye Yariisow waa hadlay laakin waddooyinka mugdiga noqday, balliyada biyaha Muqdisho roobabku ku reebeen iyo qashinka Meel kasta yaalla ayaa shaqadoodu u taallaa iyo inuu wax ka yiraahdo, laakin mucaaradka ka hadalkiisa madaxweynaha ayaa Koofurta Sudan fariin uga Soo diray oo ku filan, Mise dhaqanka Guulwadaynta waa lagu qasban yahay,Yariisow hala gaarsiiyo shacabka Muqdisho Guddoomiye ayey u baahan yihiin ee uma baahna Guulwade.”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Fiqi.

Guddoomiye Enjineer Yariisow ayaa daqiiqado kadib ku jawaab celiyay bartiisa Facebooka.

“Waa nasiibdaro in Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi uu dhibsado ereyada ah yaan la siyaasadeynin amniga iyo inuu difaaco Qaswadayaasha buunbuuniya argagaxisada. Fadlan haloo sheego Fiqi in shacabka aysan raalli ka aheyn Qas Wade kalkaaliya Argagaxisada”

Xildhibaan Fiqi ayaa dhankiisa mar kalle yiri.

“Guddoomiye Yariisow waa mahadsan yahay haddii fariintaydii ay gaartay si degdeg ahna uu uga Soo jawaabay, si la mid ah ayaan jeclaan lahaa inuu uga jawaab celiyo qayladhaanada shacabka gobolka Banaadir ka Soo baxaya ee dhinac kasta leh. Amniga dalka dadka kama xigtid, wasaaraddo iyo hey’ado loo xilsaartay ayaa jira, waxaa kula gudboon talo ahaan inaad hawlaha kuu yaalla ee umaddu kaa sugayso inaad ka hawlgasho”

Xiisadda oo qabsatay baraha bulshada ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dowladda ay ku kacsanyihiin madaxda dowlad goboleedyada.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com