Mas,uuliyiin ka trisan dowladda Soomaaliya oo ku xanibnaa Garoonka Nayoobi oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Mas,uuliyiin ka trisan dowladda Soomaaliya oo ku xanibnaa Garoonka Nayoobi oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Mas,uuliyiin katirsan dowladda Soomalaiya oo shalay lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Madaxdan ay kenya ku xanibtay Nayroobi ayaa waxaa kamid ahaa wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo labada Senator ee kala ah Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir

Saddexdan mas’uul ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Caasimada dalka Kenya, iyadoo Saraakiisha waaxda Socdaalka ee dalka Kenya ay u sheegeen ineysan wax sharciyad ah u heysan bixinta dalku-galka ama viisaha, taasoo hore si caadi ah loo siin jiray.

Kenya ayaa mudooyinkanba qaadeysay talaabooyin ay ku cadaadineyso dowladda Soomaaliya, waxey hore usoo eriday Safiirka Soomaaliya ee Kenya, waxey 9-kii May joojisay duulimaadyadii sida tooska ah uga bixi jiray Muqdisho ee Nairobi aadi jiray, iyadoo ugu danbeynna haatan joojisay bixinta viisaha dal ku galka ee Garoonka Nairobi lagu siin jiray Wasiirada iyo Xildhibaanada, maadaama dacwad dhanka badda ay kala dhaxeyso Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com