Masuuliyiin ka socota DFS oo shir uga qayb galaya Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud, ayaa ka qeyb galay, maalintii, kulan ku saabsan sii xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Afrika ee ku jira ajandaha Shirka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee maalintiisii labaad.

Intii uu socday kulanka, aragtiyo kala duwan ayaa la is weydaarsaday dejinta qorshe howleed iyo aasaas adag oo ku saabsan iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Afrika kaasoo waxtar badan u leh dhammaan wada-hawlgalayaasha.

Wasiir Maxamed C / risaaq wuxuu kaloo kaqeyb galay kalfadhigii xirnaa ee difaaca si looga faa iideysto qibrada farsamada iyo warshadaha gaashaan dhigga Turkiga, halkaas oo looga hadlay arinka diblomaasiyadda iyo iskaashiga nabadeed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com