Site icon Radio Daljir

Masuuliyiin Jubbaland ka tirsan iyo Xiriirka kubadda cagta oo kulan yeeshay

Wafdi uu hoggaaminaayo gudoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed,mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shino) ayaa maanta booqday xarunta ay ku shaqeeyan Xiriirka kubadda cagta Jubbaland.

Socdaalka wafdigaan ayaa ah ukuur galidda xaaladaha Sports-ka Jubbaland iyo Dib u dayactirka lagu samen doono Garoonka kubadda cagta Waamo ee Magaaladda Kismaayo.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland Axmed Faarac Takhal (Tima-Jilic) ayaa ka mahad celiyay dardar gelinta iyo horumarinta arrimaha Sports-ka ee xiriirka Soomaaliyeed ay ka wadaan Jubbaland.

Cabdi Samad Sheekh Qaasim oo kamid ah Xubin katirsan guddiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ka xiriir ahaan ay xoojin doonaan Horumarinta Sports-ka Jubbaland.

Exit mobile version