Site icon Radio Daljir

Masjidka Dugsiga Sare ee Jigjiga oo albaabadiisa iyo darbiyadiisa lagu xardhay calaamadda Kiristaanka

Masaajidka Dugsiga Sare ee Jigjiga ayaa albaabadiisa iyo darbiyadiisa lagu xardhay calaamadda diinta Kiristaanka iyo erayo anshax-xumo ku ah diinta Islaamka.

Qoraalka ayaa waxaa xardhay dhalinyaro Axmaaro ah, waxaana falkaas ka xumaaday oo ka xanaaqay ardeyda Dugsiga Sare ee Jigjiga, kana kacay anshax-xumida dhallinta Amxaarada.

Wararka aan Jigjiga ka helayno ayaa tibaaxaya in komishinka Booliska ee DDS ay hadda soo qabqabanayaan ardeydii Soomaalida ee falkaas ka dhiidhiyey, qaar kalena ay gawaarida booliska ku eryanayaan si xabsiga loo dhigo.

Dhallintii Amxaarada ee ka danbeysay falalka anshax-xumada ah ee lala beegsadey Dugsiga Sare ee Jigjiga, Masjidka Dugsiga iyo waliba diinta Islaamka ayaan  sharciga la horkeenin, la soo qaban, lana weydiin sababta ay falkaas ula beegsadeen Masjidka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

Exit mobile version