Mashruuc lagu dhisayo waddo Jey ah oo maanta ka bilowday xaafada Garsoor ee Galkacayo (Dhegeyso)

Galkacayo, August 24, 2013 – Magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug waxaa maanta ka bilowday mashruuc waddo Jey ah lagaga hir-gelinayo, jidkaan ayaa laga dhisayaa xaafada Garsoor.

Jidkaan weyn ee Jeyga ah ee magaalada Galkacayo ayaa wuxuu fududeyn doonaa howlaha isu-socodka ee xaafada Garsoor, iyadoo warar aan halkaas ka helayno ay sheegayaan in aysan jirin wadooyin fiican oo awal halkaas ku yaalay.

Masuuliyiin kala gedisan oo ka tirsan maamulka degmada iyo kuwa gobolka ayaa ka qeyb galay furitaanka dhismaha jidkaas, wuxuuna qeyb ka yahay mashaariicda dhanka dhismaha ee haatan ka bilowday magaalada Galkacayo.

Duqa degmada Galkacayo Col. Axmed Cali Salaad wuxuu sheegay in kharashka ku baxaya dhismahan jidka cusub ay bixisay EU iyo hay?ado kale oo mashruuca iyagu wadda, wuxuu ku tilmaamay in ay qeyb yihiin howlaha ay balan-qaadeen.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Dhegeyso war-bixin uu Maslax Mukhtaar ka diyaariyey dhismaha jidka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com