Masar oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab

Masar oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa lagu sheegay shacabka iyo xukuumadda Masaarida in ay garab taagan yihiin Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee wajahaya weerarada Argagixisada.

Dowladda Masar ayaa sheegatay in ay diyaar u tahay taageerada Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si dib loogu dhiso Hay’adaha Dowladda.

Warkaan qoraalka ah ayaa lagu sheegay Masar in ay si weyn u cambaareyneyso weerarkii ururka Al-shabaab subixii hore ee shalay ay ku qaadeen xero Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Buulo-guduud, oo u dhow magaalada Kismaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com