Marxuum Cali Faarax maamulihii shirkadda Amal qaybteeda Gaalkacyo oo maanta lagu aasay Gaalkacyo

Gaalkacyo, Dec, 16- Marxuum Cali Faarax Nuur Maamulihii shirkadda Amal xarunteeda Gaalkacyo AUN? ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Bari ee Gaalkacyo.


Aaska Marxuumka waxaa ka qayb galay qaar ka mida culimada diinta ee Gaalkacyo iyo boqolaal qof oo isaga kala yimid xaafadaha magaalada.


Shiikh C/risaq Maxamed Warsame iyo Dr, Aaden Maxamed Cigaal maamulaha jaamacada Bariga Afrika faraceeda Gaalkacyo oo ay marxuumka? ka wada tirsanaayeen gudi culimaa uu mashqulsanaa muddooyinkii danbe dib-u dhiska Masjidka Ramadaan ee xaafadda garsoor oo aaska ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in wixii dayn ah ee lagu leeyahay marxuumka iyo wixii uu isago dad ku leeyahayba lagala xiriiro eheladiisa si xaqa looga bixiyo.


Culimada ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ku booriyay in halkeedii laga sii wado wax tarkii uu bulshada ka dhex gaysan jiray Cali Faarax, isla markaana la buuxiyo kaalintii dhaxal galka ahayd ee uu bulshadu ku dhex lahaa, dadkii aaska ka qayb galay ayaa waxaa wajiyadadooda laga dheehan karay dareen murugaa iyo alle bari ay Eebe oga baryayeen inuu jannaddii fardawso ka waraabiyo.


Marxuum Cali Faarax Nuur Shire ayaa ifka kaga tagay saddex xaas iyo kow iyo toban caruura sida ay sheegeen Ehelkiisa.

Diiwaanka Wararka daljir

(S)

(Sawirro)

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com