Marxuum Axmed Jamac Cawad oo maanta lagu aasay qabuuraha magaalada Galkacyo.

Galkacyo, Nov 19 ? Alle ha u naxariistee Axmed Jamac Cawad oo ahaa sarkaal u shaqaynayey hay?adda NRC ayaa maanta lagu aasay qabuuraha magaalada Galkacyo kaddib markii xalay rag hubaysani ay toogasho ku dileen xilli uu ka soo baxay saaladdii makhrib masaajidka lagu magacaabo Dulqarnayn ee xaafadda Is-raac.

Aaska marxuubka, ayaa waxaa ka qaybgalay mas?uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo degmada Galkacyo, madax ka soctay hay?addiisii iyo hay?adaha kale ee gobolka ka hawlgala iyo sidoo kaleeto dadweyne aad u tiro badan kuwaasi salaaddii jinaasada ku tukaday rabbina uga baryey raxariistiisa.

Dilka marxuubkaasi ayaa dhacay salaaddii makhrib kaddib ee xalay, waxaana baxsaday raggii dilkiisa gaystay oo illaa iyo haatan aan la aqoonsan.

Marxuubka xalay la dilay ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey u shaqaynayey hay?adda NRC oo ah hay?ad ka shaqaysa arrimaha xaqootiga iyo barakacayaasha, waxaana uu horay ugu shaqayn jiray hay?adda kale ee iyana dhinaca xaqootiga ka shaqaysa ee DRC.

Muddo sannado ah magaalada Galkacyo waxay daris la noqotay falal ammaan darro oo kala duwan, ayna ugu horreeyaan dilalka abaabulan kuwaasi oo lagu waayey saraakiil badan oo dawladeed, nabadoono, aqoonyahanno iyo indheergarad badan oo ka tirsanaa qaybaha bulshada.

Hay?adaha ammaanka ee gobolka Mudug, iyo dawladda dhexe ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu guul-darraystay hanashada amniga magaalada Galkacyo, waxaana aad u hooseeya rajada wax-qabad ee arrintaasi la xiriirta marka dib loo fiiriyo muddadii dheerayd ee dhibaatadaani ay soo jiitamaysay iyo sida aysan u muuqan is-baddal lagu tallaabsaday.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com