Marwo Caasho Geelle oo Marti Qaadday Madaxweyne Gaas

Isniin, September 07, 2015 (Daljir) —Marwo Caasho Geele ayaa xalay  casho sharaf hoygeeda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ugu sameysay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .

Xafladda cashada oo si habsami leh u qabsoontay ayaa waxaa sidoo kale lagu marti-qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro, Xildhibaano, maamulka Gobalka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Waxgarad, Haween iyo masuuliyiin kale.

Marwo Caasho Geelle oo ka hadashay madasha ayaa sheegatay in iyada iyo qoyskeeduba  casho sharaftaan u sameeyen Madaxweynaha , maadama uu magaalada Gaalkacyo u joogo howlo shaqo , islamarkaana ay si wanaagsan Gobalka Mudug uga soconayaan mashaariicda horumarineed ee Dawladda Puntland fulinayso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Marwo Caasho Geelle iyo cidkasta oo gacan weyn ka geysatay casho sharaftaan, haweenka Puntland ayuuna ku amaanay doorka lama ilaawaanka ah ee ay mar walba ka qaataan horumarka iyo Nabad-gelyada Dalka.

\"\\\\"\\\\"\"

‘’Runtii waan isaga baahneyn inaan magaalada u soo baxno , howl culus oo aan kala go’ laheyn ayaan kujirnaa , habeenkiina wixii maalinti la qabtay ayaa layska waraystaa ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Munaasibadda cashada ayaa intii ay socotay lagu wada qaatay jewi wanaagsan oo saldhig u ah Nabadda iyo Horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Puntland, gaar ahaana Gobalka Mudug oo dhabada wanaaga cagta saaray.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug , waxay hada tartan xoogleh oo dhinac kasta ah kula jirta magaalooyinka kale ee Puntland iyo wadamada horumaray , xiliyada habeenkii iyo maalintii amnigeedu waxaa uu gaarsiisan yahay halkii laga rabay, taasna waxaa iska kaashaday shacabka iyo laamaha amaanka Puntland .

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com