Martisoor & Taliye Finiin: Shilalka Gaadiidka, Qalab La’aanta Qaybta, Aqoon Xumida & Hagar La’aanta Dowladda (dhegayso)

Martisoor & Taliye Finiin: Shilalka Gaadiidka, Qalab La’aanta Qaybta, Aqoon Xumida & Hagar La’aanta Dowladda (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee todobaadkan waxaan ku soornay Taliyaha Ciidanka Taraafikada ee gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylan iyo Gardafu ee Puntland, Md. Maxamed Finiin Yuusuf.

Taliye Finiin oo muddo nus qarni ku dhow arrimahan ka shaqaynayey ayaa barnaamijkan si durugsan ugu falanqaynaya habka ay ciidankani u shaqeeyaan, caqab ballaaran oo ciidan ahaan ka haysata dhanka qalabka, Gaadiidka iyo tabarada iyo arrimo kale.

Taas ka sokowna Md. Finiin waxa uu ka hadlayaa dhacdooyin xanuun badan oo shiqsiyan isaga soo maray mudaas dheer ee uu u shaqaynayey dawladdii dhexe ee Somaliya iyo maamulka Puntland-ba.

Taliye Finiin ayaa magaalada Bossaso ugu warramay Axmed Sh. Maxamed “Tallman.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com