Martisoor: Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi iyo Cilmiga Afka Soomaaliga (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan Marti u ah qoraaga Cismaan Cabdinuur Xaashi. Ka sokow inuu Cismaan qoraa yahayna, wuxuu ka mid ahaa wariyeyaashii hore ee Soomaalida, waa hal-abuure, waana macallin wax ka dhiga jaamacadda Ileys ee magaalada Laascaanood.

Qoraaga ayaa 23 sano oo uu ku hawlanaa cilmi baaris la xiriirta afka Soomaaliga kaddib wuxuu dhawaan magaalada Hargeysa ku soo bandhigay buugaag uu qoray oo ay dhex ceegaagto xogtii iyo macluumaadkii uu wakhtigaas dheer aruurinayey. Waxaa kamid buug la yiraahdo Af-dhaab.

Waxaana qoraagu uu wareysigan si fog ugu falanqaynayaa waxaabaha la xiriira afka hooyo ee uu ogaaday mudadii rubuc qarniga ku dhaweyd ee uu daraasaddan ku hawlanaa iyo dabcan waxyaaba ay ka hadlayaan buugaagtaas uu soo bandhigay.

Dhanka kalana qoraa Cismaan Cabdinuur Xaashi wuxuu odorosaya aragtidiisa la xiriirta dalka Soomalaiya, gaar ahaanna dhanka Kheyraadka iyo istiraatijiyadda iyo arrimo kale.

Hoos kaga bogo.

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com